Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka Kulan looga soo horjeedo maamulka Kismaayo laguna tageerayo shirka ay dowladda qaban-qaabineyso oo Muqdisho ka dhacay

Shir lagu soo dhaweynayay go’aankii ka soo baxay shirkii madaxda wadamada IGAD ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa isla markaana lagu tageerayay shirka ay qabaneyso dowladda Soomaaliya kaas oo looga hadlayo maamul u sameynta Jubbooyinka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Kulankan oo ay yesheen siyaasiinta iyo waxgaradka ka soo jeedo gobollada Jubbooyinka ayaa intii uu socday waxaa hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah siyaasiyeenta waxa ayna shegeen in ay tageersan yihiin go’aanadii ka soo baxay shirkii madaxda wadamada IGAD ee ahaa in dowladda Soomaaliya ay maamul u sameyso gobollada Jubbooyinka.

Kulanka ay yesheen dadka ka soo jeedo gobollada Jubbooyinka ayaa waxa uu ku soo beegmayaan xili dowladda Soomaaliya ay qaban qaabineyso qabashada shir weyne maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka kaas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo faahfaahsan.

<iframe width=”640″ height=”480″ src=”http://www.youtube.com/embed/tVCz28ujdRc” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>

You must be logged in to post a comment Login