Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Maalinta Dhalinyaradda Soomaliyeed oo Puntland laga xusay xusay

Wasaaradda shaqada,shaqalaha iyo dhalinyarada Puntland ayaa maanta hoolka shirarka Jaamacada PSU ku qabatay kulan balaaran oo lagu xusayey maalinta dhalinyarada Soomaaliya oo ku beegan 15-May.

Xuska dhalinyaradda Soomaaliya waxaa kasoo qayb galay hay’addaha bahwadaagta shaqo lah wasaarada,xubno ka socday gollayasha xukumada,baarlamaanka iyo dhalinyaro faro badan,waxana sidoo kale munaasibadaani lagu xusay asaaskii SYL iyo13-dhalinyaro ee bilaabay halganka gobonimo doonka 1943-dii.

Inta uu xuska socday waxaa lagu soo bandhigay muuqaal laga diyaariyay aasaska xornimadii Soomaaliya iyo sidii dhalinyaradii SYL ugu soo halgameen in mar qura dalkeena Soomaaliya uu ka nabadgalo gacanta gumaystaha,waxana sidoo kalena muuqaalkaan qaybtiisa danbe uu ka waramayaa siday Soomaalida nabadda uga ciyaareen iyo aafooyinka dilaacay oo ay ka mid yihiin burcad badeed iyo tahriib.

Xuska 70-sano guuradii kasoo wareegatay xiligii la yagleelay SYL ayaa Soomaaliya laga xusaa,waxana dib la isku xasuusiyaa heerarkii kala duwana uu soo maray Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login