Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweynaha maamulka Puntalnd faroole oo Hortagay Baarlamaankooda Codsina u jeediyay

Madaxweynaha maamu goboleedka Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa iyo Xubno ka tirsan Golihiisa ayaa Maanta hortagay Golaha Wakiilada maamulka Puntland oo ku guda jira Kalfadhigoodii 30naad iyadoo kulankaasi ay xaadir ahaayeen 50 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland waxaana shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka oo dhawaan safar shaqo uga soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa wuxuu dul maray safaradii kala gadisanaa ee uu soo maray iyo Madaxdii uu lasoo kulmay isagoo soo hadalqaaday in Madaxweyne Xasan sheekh oo ay wada kulmeen ay ka wada hadleen Arimo farabadan oo ay ugu horeeyaan wax uu ku sheegay arimaha Jubbooyinka iyo federaaliisimka, wuxuu kaloo sharaxaad ka bixiyay dalal kale uu safar ku tagay isagoo sheegay in ay kala soo hadleen danaha iyo Hormarka Puntland dalalkaasi oo ay ka mid yihiin Australia iyo Dalka Imaaraadka Carabta.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo faahfaahsan.

You must be logged in to post a comment Login