Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweyne Faroole oo Daahfuray Talaal Cusub oo ay soo kordhisay Wasaarada Caafimaadka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Xubno ka tirsan 2da gole ayaa Maanta ka qayb galay Daahfurka Talaalka Cusub oo uu ka mid yahay Cagaarshowga waxaana Talaalka leysugu soo aruurshay 5 Talaal iyadoo mid ka mid ah Shantaasi uu isgu jiro ilaa Sadac Talaal taasoo ka dhigeysa in Caruurta Puntland lasiiyo in ku dhow 8Talaal Xafladan oo ka dhacday xarunta Wasaarada ee Garoowe ayna kasoo qayb galeen madax kala duwan Waxaa lagu soo bandhigay Dadaalka in mudo ahba loogu jiray in Talaalo cusub lasoo kordhiyo si Caruurta Soomaliyeed looga badbaadiyo Xanuunada ay la liitaan.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo Daahfuray Barnaamijkan wuxuu sheegay in Goboladan waagii nabada ay aad uga liiteen arimaha Caafimaadka oo Qofkii Malaria ay qabato Dhiigiisa laga soo baari jiray Muqdisho oo qofkaas intii uu jidka kusii jiro uu sii dhiman jiray iyadoo la awoodi karay in Deegaanka loo yeelo Goobo Caafimaad Dhibaatooyinkaasi waxay soo jiraanba hada dalka oo idil dhanka Caafimaadka Puntland ayaa lagaga dayanayaa taana waa mahad alle ayuu yiri Mudane Faroole.

You must be logged in to post a comment Login