Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: madxweynaha jubaland Bare Hiiraale Oo Digniin Udiray madaxweyne Faroole Kana Hadlay Arimo Xasasiya

Coll Barre Hiiraale oo kamid ah Madaxwaynayaasha Jubbaland ee Kismaayo ku sugan oo la hadlay ayaa ka hadlay arimo badan oo Xasaasi ah isla markaana ku saabsan Jubbooyinka, eedayna u jeediyay Madaxwaynaha Maamul goboleedka Puntland.

Madaxwayne Bare Ayaa Ugu Horayn Wuxuu Shaaca ka Qaaday In Cabdiraxmaan Faroole uu Faragelin Qaawan ku Hayo Gobolada Jubooyinka, Isagoona loo Aqoonsan yahay madaxwaynaha Puntland, Wuxuuna Sheegay inaan loo Dulqaadan Doonin.

Sidoo kale Wuxuu Shaaca Ka Qaaday Waxyaabaha Uu Sida wayn Ugu Dhaliilayo Madaxwayne Faroole Kuwaas oo Uu Saxaafada La Hortaagan yahay.

Dhinaca kale Wuxuu Hoosta ka Xariiqay In Maamulka Jubaland ee Rasmiga ah uu Yahay Kan uu Hogaamiyo, Xiriir Dhowna ay la Leeyihiin Dawlada Dhexe ee Soomaaliya, Sidoo kalan wuxuu Xusay Inay Xiriir lasoo Sameeyeen Xubno katirsan maamulka Jabhada raaskambi ee Axmed Madoobe.

Sidoo kale Barre Hiiraale ayaa ka hadlay Warbixin shalay kaso baxday Hay’adda Cilmi baarista ee The Hiritage taasoo ka hadlaysay arimaha Jubbooyinka.

Coll Barre Aadan Shir (Hiiraale) ayaa sidoo kale ka hadlay Warmurtiyeedkii dhawaan kasoo baxay shirkii IGAD ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa, kaasoo qayb kamid ah ay uga hadleen in shir looga hadlayo aayaha Jubbooyinka lagu qabto Magaalada Muqdisho.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo xiiso badan leh.

You must be logged in to post a comment Login