Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo yeeshay kulan looga hadlay Arimaha Jubbooyinka

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad,siyaasiyiin,aqoonyahano,haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa waxaa uu ahaa mid lagu taageerayay mowqifkii dowladda soomaaliyeed,urur goboleedka IGAD,iyo qaramadda midoobay ee ku aadanaa arrinta magaaladda kismaayo ee xarunta gobolka jubadda hoose gaar ahaan go’aanka dowladda soomaaliyeed ee ah in magaaladda muqdisho lagu qabto shir dib u heshiisiineed kaasoo loo qabanayo dadka dega gobollada jubbooyinka.

Qaar ka mid ah dadkii kulanka maanta ka soo qeyb galay ayaa sheegay in arrinta gobolladda jubboyinka ay tahay mid u baahan in loo daayo dowladda soomaaliyeed si shacabka jubbooyinka ay u helaan maamul ay ku wada qanacsanyihiin.
Kulankan ayaa waxaa uu imaanayaa xili dowladda soomaaliyeed ay qaban qaabineyso shir dib u heshiisiineed oo loo qabanayo dadka dega gobolladda jubbooyinka.
Halkaan hoose ka daawo warkaani oo xiiso gaar ah leh.

You must be logged in to post a comment Login