Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Puntland oo maanta 600 oo gur ku wareejisay Barakacayaasha Garoowe ku nool

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta xariga ka jaray 600 oo guri oo hayada World Vision ay u dhistay barakacayaasha Garowe ku nool.xubno ka tirsan golayaasha xukuumada ,madaxda hayada World Vision ,maamulka gobolka Nugaal ,masuuliyiinta degmada Garowe ,gudoomiyaasha barakacayaasha iyo dadweyne ayaa ka qaybgalay xaflad loo qabtay wareejinta guryahan.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa ka warbixiyey guryahan oo uu sheegay in 1200 ay ahaayeen lagana kala dhisay mid 600 oo guri degmooyinka Garowe iyo Buurtinle islamarkaasina ay ku dhanyihiin adeegyadii kala duwanaa sida Ceel biyoodka ,Saldhig Boolis ,Xarunta caafimaad iyo mid waxbarasho.

Deeganada Puntland ayaa waxa ku nool in ka badan 300 kun oo ah barakacayaasha Koonfurta Somalia ka yimid ka dib colaado iyo abaaro ka dhacay goboladaasi.waxana guryahan loo dhisay yihiin kuwo deegaan ay iska leeyihiin ayadoona qoysasku u heleen qori tuur ama nasiibka.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhan

You must be logged in to post a comment Login