Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: R/wasaaraha Soomaaliya oo hortagay mudaneyaasha baarlamanka

Kalfadhiga 2-aad kulankiisa 18-aad oo ay mudaneyaaasha Baarlamaanka maanta kuyeesheen magaalada Muqdisho waxaa soo xaadiray 192 mudane waxaana shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdala Cawad.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa in su’aallo lagu weydiiyo R/wasaaraha dalka oo ay mowshin ka keeneen 30 mudane oo Baarlamaanka ka tirsan iyadoo uu yimid fadhiga R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ay lasocdeen xubno katirsan golaha wasiirrada.

Furitaanka gudoonka Baarlamaanka kadib waxaa ka hadlay kulanka xildhibaan Cumar Isloow oo ka mid ah mudaneyaasha mowshinka ka keenay R/wasaare Saacid waxa uuna aqriyay warqada ay ku gudbinayeen mooshinkooda,

Sidoo kale mudane Saacid ayaa la weydiiyay su’aal aheyd halku uu marayo qorshaha xasilinta amaanka dalka afarta sano.
Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa Saddexdii bishan u yeeray R/wasaaraha dalka si ay u weydiyaan su’aalo, waxa ayna aheyd su’aalahii maanta la weydiiyay R/wasaaraha uu uga jawaabay mid ay ku qancaan.

You must be logged in to post a comment Login