Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay qaraxii ka dhacay degmada wadajir

faahhaafin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa Qarax ka dhacay Saaka Guri ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Qaraxaani oo guriga lagu farsameynayay ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Kaluunka, waxaana ka warbixiyay Maamulka degmada.

Afhayeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Maxamed Yuusuf Madaale ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, isagoo sheegay in dhagar qabayaashaasi ay ku halaagsameen fal ay ku doonayeen inay ku beegsadaan Umadda Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray inay gacanta ku hayaan lix qof oo isugu jira rag iyo haween oo lagu tuhmayo in ay falkaasi qayb ka ahaayeen.

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in guriga lagu farsameynayay waxyaabo qarxa balse uu ku qarxay dadkii maleegayay sida uu hadalka u dhigay gurigiina uu dabqabsaday.
Halkaan hoose ka daawo warkaani oo faahfaahsan.

You must be logged in to post a comment Login