Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Ugaaska beesha Sade oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ugaaska guud ee beesha Sade Ugaas axamed Ugaas Xaashi oo ka mid ah xubnaha ugu waawayn ee odayaasha ka qaybgalaya shirwayanah la doonayo in lagu soo dhiso maamulka Jubaland.
Ugaaska oo hogaaminayay wafdi balaaran oo kasoo kicitamay magaalada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa waxaa siweyn usoo dhoweeyey masuuliyiin katirsan maamulka magaalada Kismaayo, guddiga farsamada ee samaynta maamul goboleedka Jubooyinka iyo ergooyinka shirka ka qaybgalaya.

Booqashada wafdiga Ugaaska beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ayaa kusoo beegmaysaa xilli magaalada ay ka socda shirka dhismaha Jubaland.

Dowlada faderaalka iyo maamulka magaalada Kismaayo ayaa ku guul daraystay inay xal ku gaaraan wadahadalo ay ku yeesheen magaalada Kismaayo, shirka Jubaland ayaa umuuqanaya mid inta badan ay soo buuxiyeen beelihii doonayay inay maamulka dhistaan, inakstoo dowladda ay shirkaasi u aragto mid ka horimaanaya sharciga dhismaha maamul goboleed ee dalka ay u samayn doonto.

You must be logged in to post a comment Login