Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wafdi ka socda DF ka oo Kismaayo siweyn loogu soo dhaweeyey

Wasiiro, Xildhibaano, iyo Saraakiil ka tirsan dowlada Somalia oo saaka ka duulay magaalada Muqdisho ayaa ka dagay garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, waxana soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamul KMG ee magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wafdigaas hogaaminayey waxaana ku wehliyey wasiirka Difaaca dowladda Somalia C/xakiin Xaaji Fiqi, wasiir ku-xigeenka warfaafinta, Xildhibaanno iyo saraakiil.

Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo Sheekh Axmed Maxamed Islaan Madoobe ku-xigeenkiisa Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer), saraakiisha ciidamada iyo masuuliyin kale.
Gaadiid ay leeyihiin ciidamada Kenya ee magaca AMISOM halkaas ku jooga wafdiga u gelbiyay Hotel ku yaal bartamaha magaalada Kismayo, halkaasoo la dejiyey amaankoodana si weyn loogu ilaalinayo, iyadoo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Kismaayo uu sheegay in wafdigan a socda dowladda Soomaaliya uu hordhac u yahay wafdi oo uu hogaaminayo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo maalinta beri ah halkaas booqanaya, iyadoo amaanka magaalada Kismaayo si weyn loo xoojiyey.Intaa ka dib waxaa wafdiga ay salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda, iyagoo Wafdiga ayaa kulan gudaha garoonka kula qaateen masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo kaasoo saxaafada dibeda looga saaray, ma cadda waxyaabaha ay rasmi ahaan ka wada hadleen balse masuuliyin ka tirsan maamulka Kismaayo ayaa soo dhaweyn ku sheegay kulankaas.

Gaadiid ay leeyihiin ciidamada Kenya ee magaca AMISOM halkaas ku jooga wafdiga u gelbiyay Hotel ku yaal bartamaha magaalada Kismayo, halkaasoo la dejiyey amaankoodana si weyn loogu ilaalinayo, iyadoo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Kismaayo uu sheegay in wafdigan a socda dowladda Soomaaliya uu hordhac u yahay wafdi oo uu hogaaminayo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo maalinta beri ah halkaas booqanaya, iyadoo amaanka magaalada Kismaayo si weyn loo xoojiyey.
Halkaan hooe ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login