Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wasiirka Ganacsiga oo Baarlamaanka ka Hor Aqriyay Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Hay’adaha Shisheeye

Kalfadhiga Baarlamaanka maanta ayaa Ajandahiisu waxa uu ka koobnaa laba qodob oo kala ah dhaarinta xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur oo lagu badalay marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhadle oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Mombasa ee dalka Kenya iyo aqrinta labaad sharciga maalgashiga hay’adaha shisheeye ee dalka oo ay wasaarada ganacsiga iyo warashadaha ay soo gudbisay,

Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominayay Mahad Cabdalla Cawad gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.

Kalfadhiga ayaa waxaa soo xaadiray 145 mudane ugu horeyna baarlamaanka waxa ay guda galeen ajandaha koowaad ee ahaa dhaarinta xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur.
Kulanka Maanta oo ay mudanayaasha baarlamaanka ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa waxaa soo soo xiray gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.
Halkaan hoose ka daawo warmurtiyeedka ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login