Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wasiirka warfaafinta oo kulan la qaatay gudiga iskaashatada gaadiidka

Kulankani uu wasiirka wasaaradda warfaafinta Isgaarisiita Gaadiidka Cirka iyo dhulka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xersi la qaatay xubnaha ka socday Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ayaa waxaaa uu ahaa mid looga hadlayay sidii sare loogu qaadi lahaa isla markaana looga war qabi lahaa isticmaalka gaadiidka dhulka adkeyta shuruucda wadiida gaadiidka.

Kadib markii uu kulankaasi soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta Qaranka uga war bixiyay wasiirka wasaarada warfaafinta isgaarisiita gaadiidka cirka iyo dhulka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xersi oo uu barbar fadhiyay agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka dhulka Mudane Cali Gacal Gaaboow, waxaana uu tilmaamay in kulankaasi ujeedkisa uu ahaa sidii sharci loogu soo saari lahaa shuruucda lagu hagayo gaadiidka dhulka.

Sidoo kale wasiirka wasaarada warfaafinta isgaarisiita gaadiidka cirka iyo dhulka C/llaahi Ciilmooge Xersi,waxa uu tilmaamay in gudi ay iska soo saareen iskaashatada gaadiidka Soomaaliyeed in ay u soo gudbiyeen cabashooyin ku aadan dhanka nolosha iyo ammaanka ayna hor geyn doonaan xukumada si loo ogaado waxa ay xaq u leeyihiin iyo waajibaadka saara.

Kulankani uu wasiirka wasaarada warfaafinta isgaarisiita gaadiidka cirka iyo dhulka la qaatay iskaashatada gaadiidka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dedaalka ay madaxda wasaarada ugu jiraan horumarinta waaxyaabaha hoostaga.

You must be logged in to post a comment Login