Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqalka: Maamulka Gobalka Banaadir oo qalab caafimaad ku wareejiyay Wasaarada adeega Bulshada

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa uu agabyo caafimaad ku wareejiyay wasaarada adeega bulshada gaar ahaan waaxda caafimaadka ee xukuumada Soomaaliya.
Kadib kulan ka dhacay xarunta Gobolka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka Gobalka Banaadir iyo sidoo kale masuuliyiinta wasaarada adeega bulshada ee caafimaadka.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada iyo arimaha bulshada ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Axmed Guure waxa uuna uu sheegay in deeqdani ay kuweerijinayaan wasaarada adeega bulshada waaxda caafimaadka agabkaasi oo ah adeeg caafimaad islamarkaana uu rajeynayo inay gaarsiinayaan isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir.
Agaasimaha waaxda caafimaadka ee wasaarada adeega bulshada Dr C/risaaq Yuusuf Axmed oo goobta ka hadlay ayaa wuxuu sheegay inay uga mahadcelinayaan maamulka Gobolka Banaadir waxaa uuna sharaxaa waxyaabaha ay ka kooban tahay deeqdaan isagoona hoosta ka xariiqay in deeqdaan ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u gaarsiin doonaan isbitaalka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu horay deeqo sidaan oo kale u gaarsiiyay isbitaalada Magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login