Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqalka: Ururka HORCAD oo ay Taageerayaashiisu Isugu Soo Baxeen Boosaaso

Urur Siyaasadeedka HORCAD ee ka jira deegeenada Puntland ayaa maanta Wajigii labaad ee Bannaanbax ballaaran oo u ku muujinayey Ololihiisa Doorashooyinka Gollayaasha deegaanka si weyn ugu soo bandhigay magaaladda Boosaaso.

Boqolaal Taageerayaasha Ururka HORCAD ah oo sitay Astaanka Ururka iyo Gawaari farabadan waxayna socod dheer kusoo mareen wadooyinka magaaladda iyagoona markii danbe isugu tagay Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso.
Si kastaba waa Wareegii labaad ee Ururka Horumarka iyo Cadaaladda Puntland ee HORCAD uu kusoo bandhigo cududiisa iyo Taageerada ay u hayaan bulshada reer Puntland.
Halkaan hoose ka daawo banaanbaxaani ka dhacay Boosaaso.

You must be logged in to post a comment Login