Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Fagaara weyn oo kuyaal magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya ayaa lagusoo bandhigay saanado hub ah iyo gaadiid dagaal oo ciidamada xarakada Shabaabu ay kusoo qabsadeen dagaal culus oo arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Mahadaay.
Boqolaal qof ayaa ku sugnaa fagaaraha hubka lagusoo bandhigay,waxyaabaha lasoo bandhigay waxaa kamid ahaa darees ciidan,qoryo,rasaas iyo agabyo kale oo ay isticmaalayeen ciidanka DF-ka.
Sheekh Fu’aad Max’med Khlaf oo katirsan mas’uuliyiinta xarakada Shabaabu ayaa madashii hubka ka jeediyay kalimad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa wuxuuna ugu hambalyeeyay ciidankii mujaahidiinta ee ka qeyb galay dagaalkii Mahadaay guusha ay soo hooyeen.
Sheekha ayaa sheegay in istiraatiijiyadii dagaalka ee Al Shabaab qaateen ay cadowgooda dhaxashiisay khasaarooyin iyo guul darrooyin is xigxiga.
You must be logged in to post a comment Login