Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Sawirada Daacish oo soo bandhigtay Caruur iyaga katirsan oo Madaxa ka tooganaya Ciidamo Suuriyaan ah

Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay Muuqaal iyo Sawiro ka turjumaya Caruur aad u yar yar oo katirsan Kooxdaasi oo Goob fagaare ah Madaxa uga tooganaya Ciidamo katirsan Dowlada Siiriya oo gaaraya 25-askari.

Askartan la toogtay ayaa lagu qabtay Magaalada Palmyra, oo mar sii horeesay ay Dagaal kula wareegeen Daacish, waxaana askartan madaxa ka toogtay caruur loo tababaray tooagshada oo katirsan Kooxda Daacish.

Toogashada ayaa ka dhacday Goob taariikhi ah oo kutaala Magaalada Palmyra, waxaana goobta lagu tooganayay Ciidamada Siiriya usoo daawasho tagay qaar kamid ah Taageerayaasha Kooxdaasi oo ku sugna Magaaladaasi.

Kooxda Daacish ayaa caruur badan waxa ay u tababartaa sidii ay u noqon lahaayeen Dagaalyahano, waxa ayna mararka qaarkood soo bandhigtaa caruurtaasi oo toogasha fulinaya iyo iyga oo la siinayao tabbaar dhinaca dagaalka ah.

isi_1 isi_2 isi_3 isi_4 generic tadalafil, generic dapoxetine. isi_5 isi_6 isi_7

You must be logged in to post a comment Login