Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo sawirada Shirweynihii 1aad ee qurbajoogta Puntland Yurub oo ka furmay magaalada Helsinki- Finland

237 236 235 234 233 232 231 230 229 228 227 226 225 224 when are you ovulating, cheap lioresal. 223 222 221 220 219 218 217 216 215 214 213 212 211Helsinki: 26.09.2015, Waxaa ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland Shirweynihii 1aad ee jaaliyadaha Puntland ee qaaradaan Yurub. Shirka waxaa ka soo qaybgalay urur fara badan oo ay leeyihiin jaaliyadaha Puntland ee qaarada Yurub. Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno, khubaro ka socotay xafiiska Midowga Yurub, ururo madax bannaan oo ka shaqeeya gudaha dowlad-goboleedka Puntland, siyaasiyiin, haween, dhalinyaro iyo bahda saxaafadda.

Ujeedada shirka oo ah mideynta iyo tayeynta ururada reer puntland ee ka jira qaaradan Yurub iyo sameynta dallad weyn oo ay ku mideysan yihiin dhammaan ururada jaaliyadaha puntland ee qaaradan Yurub.

Shirweynaha waxaa furey wakiilka dawladda puntland ee skandinavianka Dr. Beydhabo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahan sidii loo heli lahaa dallad ay ku mideysan yihiin dhammaan ururada reer puntland oo ka jira qaadaradan yurub, si kor loogu qaado wax qabadka ururada. Waxaa hadaladiisii ka mid ahaa ”far keliya fool ma dhaqdo, waan aragney inta ay gaarsiisan tahay awooda urur keliya marka uu damco in uu wax qabto. Waxaana idinkula dardaarmayaa in aad yeelataan hal dallad oo weyn si looga baxo in urur kasta keligiis meel taagnaado.”

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka hadlay Maamulaha dallada guud ee jaaliyadaha Puntland ee Finland Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac ” Jannagale”, waxaa uu sheegay in markii hore ay sameeyeen dallad guud oo ay ku mideysan yihiin ururrada puntland ee Finland, kaddibna  ay u soo baxday in la sameyn karo dallad ay ku midoobaan dhammaan jaaliyaha puntland ee Yurub, waxaana la xiriirney jaaliyadda Ireland iyo UK, ayuu yiri Jannagale.

Shirka qurbajoogta Puntland ee Yurub oo ka furmey magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxaa uu socon doonaa 5 maalmood. Sawirrada shirka hoos ka daawo . Insha allaah Mar dhaw Videoga naga suga.

 

Farah Yassin Osman

Journalist

Helsinki – Finland

Fyok78@hotmail.com

 

You must be logged in to post a comment Login