Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflad casho sharaf ah oo ay ka qayb-galeen in ka badan 5,000 oo qof oo ka mid ah wufuudda ka qayb-galaya xuska maalinta qowmiyadaha Itoobiya ee maanta ka furmaya magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa xalay lagu qabtay magaaladaas.
Xafladdan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, wafdi ka socda dowladda Somalia oo uu horkacayo wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, boostada iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi, kuwaasoo isugu jira wasiir, xildhibaanno, salaadiin iyo bulshada rayidka ah.
Xubnaha kale ee dhinaca dowladda oo xafladdaas casho-sharafta ah goob-joogga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ah, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan.
Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa, madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole, wafdi ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha golaha wakiillada Soomaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) oo uu ka mid ahaa wasiirka madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan, hoggaamiyaha maamulka Jubba, Axmed Madoobe, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii iyo xubno kale oo fara badan.
You must be logged in to post a comment Login