Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Sawirrada: Qarax xoogan oo goordhaw gilgilay Muqdisho

Waxaa Goordahw Isgooska Ceel-Gaabta ee Degmada Xamar Jajab Gobolka Banaadir ka dhacay Qarax gaarigiisa loogu soo xiray Askari la sheegay in uu katirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

sildenafil reviews, clomid reviews.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay Gaari Noah ah oo loogu soo xiray askariga gaariga watay oo Magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cabdiqaadir Xabiib Muunye, waxa uuna qaraxu dhacay xili uu marayay gaarigaasi agagaarka Ceel-Gaabta.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxa dhaawac culus uu kasoo gaaray lugtana uga go’ay ruuxii gaariga watay oola sheegayo in Ciidanka Dowlada uu katirsaaa inkatoo aan la xaqiijin Karin, waxaana goobtaasi ugu gurmaday Ciidamo katirsan Dowlada oo dhaawaca ka qaaday halkaasi.

Qaraxyada iyo Dilalka Qorsheesan ayaa kusoo badanayay Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka tan iyo markii laguda galay Bisha barakeesan ee Ramadaan,Al-Shabaab ayaana horey ugu hanjabtay in ay kordhin doonaan Weerarada ka dhanka ah Dowlada iyo AMISOM inta Ramadaanka lagu jiro.

noh_5

noh_1

noh_6

You must be logged in to post a comment Login