Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Muuqaalka Kulan looga Hadlayay Sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed ay Uga Qeyb qaadan Lahaayeen Amaanka Iyo Hormarka oo Muqdisho lagu qabta

Kulankan oo ahaa mid balaaran oo ay ka qeyb galeen Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Boqolaal dhalinyarro ah oo ka kala socotay 17-ka degmo ee gobolka banaadir

Kulankaani ayaa diirada lagu saaray sidii dhamaan laamaha ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dhalinyarada ay isga kaashan lahaayeen xaqiijinta ammaanka caasimada, kaas oo ay soo qaban qaabisay hay’ada wada hadalka Bulshada ee CCD

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ugu danbeyntii hadalo ka jeediyay kulanka Maanta Dhalinyaradu ay ku lahaayeen xarunta Maamulka Gobolka, isagoo carabka ku adkeeyay in dhalinyaradu ay yihiin mustaqbalka beri loona baahanyahay inay u istaagaan sidii horumarinta dalkooda uga shaqeyn lahaayeen.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo faahfaahsan.

You must be logged in to post a comment Login