Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal ka dhacay Magaalda Caabudwaaq?

 
Wararka ka imaanaya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in halkaa manta ay ka dhaceen dibad baxyo ay dhigeen dadka shacabka, kaasi oo ay kaga soo horjeedaan dagaalo xalay ilaa saaka siyaabo kale duwan uga dhacay magaalada oo u dhaxeeyay ciidamo deegaanka ka soo wada jeeda.
Boqolaal Ruux oo shacab ah oo isugu soo baxay fagaaro ku yaala Caabudwaaq ayaa ku dhawaaqayey ereyo ay kaga soo horjeedaan in ciidamo deegaanka ah ay ku dagaalamaan gudaha magaalada Caabudwaaq, waxayna ku baaqayeen in ay nabada qaataan.
Xalay ayaa waxaa ka dhacay Degmada Caabudwaaq Dagaal, iyadoona sidoo kale dagaalkaasi oo saakana ka dhacya gudaha degmada, kaasi oo u dhaxeeya ciidamo deegaanka ah oo taageersan Maamulka Galmudug, iyo kuwa ka socda Maleeshiyada Alsuna, waxaana inta la xaqiijiyay la dhigay isbitaalka Caabudwaaq 7 ruux, waxaana geeriyooday hal ruux oo kamid ahaa dhinac yadii dagaalamay.
Xaalada Degmada Caabudwaaq ayaa ah hada mid degan waxaana odayaasha deegaanku ay ku howlanyihiin sidii ay u damin lahaayeen xiisada jirta, islamarkaana ay nabad u dhex dhigi lahaayeen ciidamada dagaalamay. buy Female Cialis online cheap, purchase clomid.

You must be logged in to post a comment Login