Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal Sababay Dhimashada In ka badan 10-ruux oo ka dhacay Gobolka…

Sep 23, 2015

zoloft for sale, dapoxetine without prescription.
Tobanaan ruux ayaa ku geeriyootay tiro kale waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii labo maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen deegaanka Qoriley ee Gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda deegaanada Maamulada Puntland iyo Khaatumo.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Khaatumo oo lagu magacaabo Xildhibaan Yaasiin Axmed Cali ayaa ku eedeeyay in dagaalka ay soo abaabuleen Maamulka Puntland, ayna ka qeyb qaateen ciidamo dareys milateri watay.

Waxaa uu sheegay in dagaalka uu sababay dhimashada 11 ruux oo ahaa dhinacyada dagaalamay iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo dareys milateri watay oo ka yimid dhinaca Puntland ay ku lug lahaayeen dagaalka, isla markaana waxaa la sheegayaa in ciidankaas ay la kulmeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashada ay ka badan tahay labaatan ruux oo ah labada dhinac ee dagaalamay.

Dagaalkan ayaa salka ku hayay aanooyin ay kala tirsanaayeen labada maleeshiyo beeleed, waxaana uu dhowr jeer oo hore uu ka dhacay deegaanada Sool.

Hase ahaatee waxaa hada soo baxaya in dagaaladan la siyaasadeeyay, ayna ku lug leeyihiin dhinacyada labada maamul ee deegaanka ka arimiya.

Qoysas fara badan oo ku sugan deegaano ka tirsan Sool ayaa ku barakacay dagaaladan oo la isu adeegsaday hub culus

You must be logged in to post a comment Login