Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Deg Deg: Axmed Madoobe oo gaaray Gobolka Gedo & Qorshaha Itoobiya

Viagra Plus buy online, zithromax reviews.

Deg Deg: Axmed Madoobe oo gaaray Gobolka Gedo & Qorshaha Itoobiya

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhow halkaas uu gaaray madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxaa safarkiisa gobolka Gedo ku wehlinaya xubno katirsan maamulkiisa Jubba, waxaana si weyn magaaladaas ugu soo dhaweeyay madax katirsan maamulka Jubba iyo kan magaalada.

Warar kale oo ay Warqaad.com heshay ayaa sheegaya in magaalada Doolow ay sidoo kale gaareen xubno katirsan maamulka DF ee gobolka Gedo, kuwaas oo kasoo baxay Magaalooyinka Baardheere iyo Garbaharey.

Dowlada Itoobiya ayaa lasoo sheegayaa inay wado qorshe ay heshiis ku dhex dhigeyso dhinacyada Maamulka Jubba iyo kan DF ee gobolkaas Gedo.

 

You must be logged in to post a comment Login