Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG. Dilal kala duwan oo gowr dhow ka dhacay gudaha Suuqa weyn Bakaaraha ee Magaalladda Muqdisho.

Wararka laga helaayo gudaha Suuqa weyn Bakaaraha ee Magaalladda Muqdisho, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan, ay Gowr dhow qeybta qudaarta ee Suuqa ku dhex toogteen Askar iyo dad Rayid ah.
Wararka ayaa sheegaya in Koox ku hubeysan Bastoolado ay Suuqa Qudaarta ku dhex dileen Laba Askari, kadib markii ay isku dayeen inay goobta ka baxsadaan, ayaa waxa ay horay usii marteen Haweeney wadada uga hor imaaday.
Labada Askari iyo Haweeneyda, ayaa waxa ay u geeriyoodeen Rasaastii ay ku fureen Kooxdaasi Bastooladaha ku hubeysnaa, waxaana durbadiiba goobta gaaray Ciiddamo taabacsan kuwa Dowladda.
Dilka kadib, ayaa waxa ay Ciiddamadda Dowladda isla goobta ka qabteen dad rayid ahaa oo halkaasi ku sugnaa, wallow ay Kooxdii dilka geystay ay halkaasi ka baxsadeen.
Dilka ayaa waxa uu bar-bar socdaa dilal iyo Qaraxyo maalmahaani dambe ka dhacaayay gudaha Magaalladda Muqdisho, kuwaasoo inta badan lala eeganaayay Madaxda iyo Askarta Dowladda.

You must be logged in to post a comment Login