Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG: Qarax gaari loo adeegsaday oo caawa ka dhacay Muqdisho

Aug 22, 2015 –

Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa si aad ah looga maqlaayay inta badan Magaalada Muqdisho, ayaa abaarihii Maqribka ka dhacay Isgoyska Jubba ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa sababay Qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaasi oo ay daadgureynayeen Ciidamada Dowlada iyo gaadiidka gurmadka.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray maqaaxi ku taalla agagaarka Isgooyska, oo inta badan xilliyada galbihii ah camiran, islamarkaana ay fariistaan Ciidamada Dowladda iyo dadka rayidka ah.

Halka uu qaraxa ka dhacay oo dacalka uu ku haayo Jubba Hotel, ayaa waxaa hareerihiisa ganacsiyo yar yar ku haystay dadka danyarta ah. waxaana la soo sheegayaa in dadka wax ku noqday qaraxaasi ay u badan yihiin shacab.

Kamagra without prescription, buy dapoxetine online.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta buux dhaafiyay Ciidan farabadan oo ku baxay halkaasi, ayaa waxay xireen dhammaan wadooyinka soo gala, iyagoona ridaaya rasaas u muuqato mid ay ammaanka ku xaqiijinayan.

Dhacdooyinkaasi oo idil ayaa waxaa barbar socday gawaarida Ambulance-ta oo gaaraysa halkaasi, ayaa waxay ka daadgureynayan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi, oo si weyn looga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho.

Dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay ayaa ah dad shacab ah oo iyagu halkaasi ku qaxweynaayay.

Saraakiisha gurmadka u fidineysay dadka Qaraxa ku waxyeeloobay ayaa si hordhac ah u xaqiijiyay in Qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay dad kor u dhaafayo Sideed ruux oo dhaawac iyo dhimasho isugu jira.

You must be logged in to post a comment Login