Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG: Xildhibaan ka tirsan BF oo Goordhow la dilay + Magaciisa

Waxaa goor dhow oo galabta ah Magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan C/laahi Xuseen Maxamuud, oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Gaari uu la socday Xildhibaanka oo loogu soo xiray walxaha qarxa, ayaa waxa uu kula qarxay Isgoyska Korontada ee Degmada Wadajir, halkaasoo la soo sheegaayo in uu ku geeriyooday.

Xildhibaanka waxaa la socotay illaa saddex nin oo lagu sheegay inay ilaaladiisii ahayd, waxaana la xaqiijiyay in ilaaladu dhimasho iyo dhaawacba uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Qaraxa ka dib waxaa halkaasi laga maqlay rasaas xoogan oo ay dhowr jiho u furayn Ciidamada Dowladda ee ku sugan aagga Isgoyska Korontada, inkastoo aan la soo sheegin cid wax ku noqotay.

Xildhibaanka la dilay, ayaa waxaa dhalay allaha u naxariistee Xuseen Maxamuud Muuse (Xuseen Baantuu), oo ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya, dhawaana ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/laahi, ayaa dhawaan loo dhaariyay xilka Xildhibaanimo, isagoona buuxiyay booskii uu aabihii ka geeriyooday muddo billo laga jooggo.

paroxetine tablets buy, acquire clomid.

 

You must be logged in to post a comment Login