Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DF oo war ka soo saartay xarriga Wariyaasha TV-ga Universal

Oct 3, 2015

Viagra Plus no rx, order Zoloft.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka hadlay xariga loo geystay suxufiyiin ka tirsan telefishinka Universal.

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta ayaa sheegay in xariga wariyeyaasha ay ka warqabaan, isla markaana sharciga lala tiigsan doono, Waxana uu xusay wasiirku in hore digniin loo siiyay taleefishinka afka Soomaliga ee Universal gaar ahaan xafiiskiisa magaalada Muqdihso.

Shirka jaraa’id ayuu wasiiru dowlaha warfaafinta waxa uu soo hadal qaaday eedeymo ay u soo jeediyeen dowlada xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo dhowaan taleefishinka Universal dood wadaag u qabtay.

Wasiiru dowlaha ayaa beeniyay in dalka laga xukumo Xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane, isla markaana aysan dowladda ku jirin wax gumeysi ah, isagoo intaa ku daray in ciidanka AMISOM ay ku joogaan dalka qorshe cad oo ah sidii ciidanka dowlada ay uga caawin lahaayeen la dagaallanka argagixisada.

Ciidamada nabadsugida ayaa gelinkii dambe ee shalay xabsiga dhigay Agaasimaha Bariga Afrika ee taleefishinka Universal Cabdullahi Xirsi Kulmiye iyo Soo saaraha barnaamijka Dood Wadaag Cawil Daahir Salaad, sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa albabada u laabay xarunta taleefishinka Universal ee magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login