Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaarad ay lahaayeen Ciidamada Milatariga Kenya oo ku bur burtay goob ku dhaw Xadka Soomaaliya

Diyaarad Nuuca Qumaatiga u kaca ay lahaayeen Ciidamada Milataria Dalka Kenya ayaa shalay ku bur burtay Garoon Diyaaradeed oo kuyaala saldhiga Ciidamada circa Baragoni oo katirsan Degmada Lamu ee Dalka Kenya.

Shilkan Diyaaradeed ayaa la sheegay in uu dhacay kadib markii ay Diyaarada salka dhulka ku dhufsatay xili ay ka dageysay garoonka, waxaana xiligaa kadib dab qabsaday Diyaarad dabkaa oo bur buriyay gabi ahaanteeda.

Labo Duuliye oo saarnaa diyaaradaasi ayaa la sheegay in ay shilka ku dhaawacmeen laguna daweenayo Isbitaal Ciidamada ay leeyihiin, waxaana bur burka diyaaradan la sheegay in ay ka dambeysay cilad farsamo oo lasoo daristay.

Diyaaradaan ay lahaayeen Ciidamada Milatariga Kenya ee bur burtay ayaa nuuceeda ahayd The Hughes MD-500 Defender helicopter ayaa kamid aheed kuwa uga awooda badan ee loo adeegsado howlgallada difaaca .

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa xaqiijiyay jiritaanka shilkan diyaaradeed ee ku bur burtay saldhig ay Ciidamada Cirka Dlaka Kenya ku lahaayeen Deegaan katirsan Degmada Lamo oo dhacda xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan.

Caverta online, order dapoxetine. Diyaarada bur burtay ayaa kamid aheed Diyaardaaha dhinaca sirdoonka iyo ilaaladaha Xuduuda Kenya ka qeyb qaadaneysay, waxa ayna Diyaarad kasoo laabatay duulimaad sirdoon oo ay kasoo sameesay xadka ay wadaagana Soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa dhoor mar weeraro qasaaro badan dhaliyay waxa ay ka fuliyeen deegaano katirsan Degmada Lamo ee Dalka Kenya, waxaana weerarkii ugu dambeeyay Shabaab ku weerareen saldhig ay Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaan katirsan Lamu.

You must be logged in to post a comment Login