Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaarado ay AMISOM leeyihiin oo Duqeymo Culus ka geestay Deegaano hoostaga Degmada Diinsoor

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Diyaarado Helicopter ah ay adeegsanayeen Ciidamada AMISOM ay duqeymo culus ka geesteen Deegaano hoostaga Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada ee ku sugan Gobolka Baay ayaa sheegay in Diyaarado Helicopter ah ay adeegsanayeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ay duqeymo culus ku garaaceen Deegaano hoostaga Degmada Diinsoor.

Diyaaradaha Dagaalka ayaa si gaar ah u beegsanayay sida aan Wararka ku heleyno Deegaano ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab oo hoostaga Degmada Diinsoor, waxaana Diyaaradahan ay qeyb ka yihiin howlgalka ay Ciidamada AMISOM ay ku doonayaan in ay kula wareegaan Diinsoor.

buy Apcalis SX Oral Jelly online, acquire dapoxetine.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa kusii dhawaanaya qabsashada Degmada Diindsoor ee Gobolka Baay , waxaana barakac xoogan wali sameenaya dadka shacabka ah ee ku dhaqan Degmada Diinsoor iyo Deegaano kale oo hoostaga Degmadaasi.

You must be logged in to post a comment Login