Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaarado maanta duqeymo ka gaystay Deegaanka Juungal ee duleedka Degmada Baardheere

Diyaarado dagaal oo loo maleynaayo in dalka Kenya laga lee yahay, ayaa maanta duqeymo ka gaystay Deegaanka Juungal, oo 30km dhinaca galbeed kaga toosan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Tani waxay ka dambeysay markii Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay ka gudbi kari waayeen daafacyada, ay Ururka Al Shabaab ku lee yihiin Juungal, loona baahday in la soo kiciyo diyaaradaha.

Juqraafi ahaan marka laga hadlaayo Juungal, waa dhul buuraley ah, isla-markaana leh togag waaweyn. Waxaana adag sidii looga gudbi lahaa kolka ay dhinacyo hubeysani isu uruursadaan.

order Apcalis SX online, lioresal reviews. Ciidamada Huwanta ee Shabaabka kula dagaalamaaya Deegaanka Juungal, ayaa maalmo ka hor ka soo ruqaansaday Deegaanka Faa-faaxdhuun oo qiyaastii 80km dhanka galbeed kaga beegan Degmadaasi Baardheere.

Faah faahin badan lagama haayo khasaaraha ka dhashay duqeymaha xoogan ee diyaaradahan, ay maanta ka gaysteen Deegaankaasi. Waxaana loo maleynayaa in duqeymuhu sii socon doonaan maalmaha soo socda.

Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan oo codsaday inaan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Juungal ay u muuqato mid ay adag tahay, sidii mintidiinta looga saari lahaa.

Dhanka kale Ciidamadii Huwanta ee Degmada Baardheere kaga soo dhaqaaqay dhinaca Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, ayaa hawlgalkooda hakiyay, ka dib markii la ogaaday inay miinooyin badan ku aasan yihiin inta u dhaxeyso Baardheere iyo Ceel Cilaan.

Ceel Cilaan waxay qiyaastii 48km u jirtaa Degmada Baardheere. Ciidamadu waxay wadaan dadaalo ay miino baaris kaga samaynayan wadada ka baxda Ceel Cilaan ee tagta Baardheere.

You must be logged in to post a comment Login