Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowlada Sacuudiga oo qoorta ka jartay nin udhashay dalka Yeman iyo tirada dadka qoorta laga jarayo oo gaareyso 69

Maamulka dalka Sacuudiga ayaa qoorta ka jaray nin ku eedeysan inuu dilay isla markaana faraxumeeyay nin kale oo kasoo jeeda dalka Pakistan.

Wasiirka Arimaha gudaha boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in qoorta laga jaro Ninkan ku eedeysan dilka iyo inuu faraxumeeyay nin kale oo ay isku jinsi yihiin.

‘muwaadin udhashay dalka Yeman laguna magacaabo Mohammed Rashad Khairi Hussain ayaa dilay Nin Pakistani ah oo lagu magacaabo Pashteh Sayed Khan, waxaana Wakaalada SPA ay sheegtay in ninkaas la fara xumeeyay kahor inta aan la dilin.
Ninka qoor goynta lagu fuliyay Hussain ayaa dhanka kale ku eedeysan inuu marar badan dhac iyo weeraro joogta ah gaystay.

Falkan qoor goynta ah ayaa ka dhacay Koofurta magaalada Jizan, waxaana uu kamid yahay xukunada ay fuliso boqortooyada dalka Sacuudiga

Sanadkan bilowga ah dalka Sacuudiga ayaa waxaa madaxa laga gooyay 28 ruux kuwaas oo ku eedeysan falal kala duwan

Hay’adaha udooda xaquuqda aadana ayaa marar badan ka banaanbaxay xukunka qoor goynta ah ee ka jira dalkaas, banaanbaxaasna waxaa uu kusoo aadayay xili qoorta laga jarayay 8 nin oo kasoo jeeda dalka Bangladesh kuwaas oo falal dil ah ku eedeysnaa
Sanadkii 2012 dalka Sacuudiga ayaa waxaa qoorta laga jaray 76 ruux sidaas waxaa sheegtay wakaalada Wararka ee AFP Halka Hay’ada fadhigeedu yahay Mareykanka ee Human Rights Watch ay tilmaantay in tirada xukunkaas lagu fuliyay ay yihiin 69.

Wadanka saliida qaniga ku ah ayaa wax ku xakuma shareecada Islaamka, waxaana inta badan xukunada lagu fuliyaa dad gaysta dilal, kukfsi iyo dhac ama boob

You must be logged in to post a comment Login