Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay go’aankii ay maamulka Puntland uga soo horjeesteen dhismaha maamulka Galmudug

Xukuumadda Somalia ayaa ka warbixisay wixii u qab-soomay muddadii lixda bilood ahayd ee ay jirtay, kadib kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho, shirkaasi oo uu shir guddoominayay R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan xubaha golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray Waxqabadka Xukuumadda muddadii ay shaqeynaysa.

acquire doxycycline, acquire zithromax. Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa kulanka kadib qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in muhiimadda shirka Golaha Wasiirada uu ahaa in la Qiimeeyo waxqabadka wasaarad walba oo xukuumada ka tirsan, isla markaana uu jiro isla-xisaabtan adag oo ku saleysan maamul-wanaag.

Sidoo kale, Maareeye ayaa tilmaamay in Golaha Wasiirada Soomaaliya ay dood kulul ka yeesheen arrimaha amniga qaranka, gaar ahaan sidii loosoo Gunaanadi lahaa lahaa howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab, dhawaanna tallaabooyin Arrintaasi la xiriirta laga fulin doono meelo qorsheysan.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in aragtidii uu maamulka Puntland ka bixiyay dhismaha maamulka Galmudug ay xal ka gaari doonaan hay’ado dastuuri ah, ayna dowladda federaalka Soomaaliya diyaar u tahay in hannaan siyaasad oo ay ku dheehan tahay xasiloon ay ku dhameyso arrimahaas oo dhan.

You must be logged in to post a comment Login