Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gaalkacyo oo lagu qabtay Banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Galmudug iyo madaxda Dowladda Somalia

Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay maamusho Maamulka Puntland,  ayaa maanta waxaa lagu qabtay Banaanbax looga soo horjeedo dhismaha maamulka Galmudug iyo sidoo kale Madaxda Dowladda Federalka Somalia.

order Viagra Gold online cheap, acquire clomid. Dadweynihii isugu soo  baxay banaanbaxa ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdi Qaadir Shire Faarax Ereg oo la hadlaayay Bulshadii banaanbaxa isugu timid, ayaa sheegay in Dowladda Federalka Somalia ay wado kala qaybin ku aadan shacabka Gobolada Puntland ku nool.

Wuxuu sheegay inaan marnaba la bedeli karin xuduuda Maamulka Puntland, sidoo kalena dhul Puntland ay leedahay aan ciyaar ciyaar lagu qabsan karin.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa wuxuu sheegay inay balan tahay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu Gobolka Mudug ku galo fiiso Puntland oo si dhib badan  uu ku helo weliba.

Shirka Cadaado ayaa wuxuu ku tilmaamay mid ku socdo wada qaldan, maadaama uu carqalad ku keenaayo dhismihiisa Maamulka Puntland oo jaar la noqonaya Maamulkaan cusub ee Galmudug.

Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Garoowe lagu qabtay banaanbax ka dhan ah Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Galmudug.

Puntland ficilada ay sameynayso ayaa  umuuqda kuwa ka bad-badis ah, maadaama Dowladda Somalia ay lasoo hortaagan tahay diidmo iyo yeeli mayno.

You must be logged in to post a comment Login