Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gaas oo Maantaxariga ka jaray saldhig ciidan Gaalkacyo

Aug 18, 2015

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-8-2015 magaalada Gaalkacyo  xariga kaga jaray Saldhiga Booliska Gobalka Mudug oo lagu sameeyey dib u habeyn.

Xafladda Xarig jarka oo ka dhacay xarunta cusub ee saldhiga Booliiska Gobalka Mudug waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur , Taliyaha Booliiska Puntland Gen : Cabdirisaaq Afguduud , Saraakiil katirsan ciidanka Booliska Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu xariga kajaray xaruntaas cusub , waxaa uu indha indheeyey qeybaha uu ka koobanyahay.

Saraakiisha booliska ayuu Madaxweynuhu kula dardaarmay in xaruntaan cusub ay ilaaliyaan Nidaamka shaqo iyo Nadaafadeeda, islamarkaana ay noqoto xarun si joogto ah u shaqeynaysa .

Magaalada Gaalkacyo waxaa si rasmi ah uga soconaya mashaariicda horumarineed ee ay dawladdu ugu talagashay , amaankeeduna maalinba maalinta ka dambeeysa waa uu sii wanaagsanaanayaa.

You must be logged in to post a comment Login