Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Go’aanno laga soo Saaray Kulamadii Garoowe uga socday DF Somalia iyo Maamullada Puntland, Jubba

Labada maamul ee Puntland iyo Jubba ayaa sidoo kale ka hor-yimid xeer-hoosaadyo uu barlamaanka Soomaaliya siyaabo kala duwan u ansixiyay,iyadoo heshiiska lagu gaaray Garowe oo ka koobnaa afar qodob oo kala ahaa.

1. Dastuurka Federaalka Soomaaliya;

Waxay isku raaceen ra’sul wasaaraaha dowladda Soomaaliya iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland in la ilaaliyo Dastuurka Dawladda Federaalka iyo hanaanka Federaalka Somalia, isla markaana Wax kasta oo la Qabanayo loo maro sida uu Qabo Dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla.

2. Midnimada Umadda Soomaaliyeed;

Waxay sidookale Madaxdu isku raaceen ilaalinta midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in la adkeeyo amniga guud ee Soomaaliya meelna looga soo Wadajeesto cid kasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

3. Xiriirka Dawladda Federaalka Somalia & Maamullada  Xubnaha ka ah;

clomid for sale, cheap clomid.

Waxay labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya argtidooda ku aadan dhamaystirka dhismaha dawladd Federaal ah ee Soomaaliyeed oo waafaqsan Dastuurkii lagu hashiiyey , waxayna soo jeediyeen in la xoojiyo wada-tashiga iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

4. Dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed;

Waxay ku baaqeen ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland in la fidiyo gogol dib-u-hashiisiineed oo loo samaynayo bulshada Soomaaliyeed si loo gaaro is-afgarad iyo xal waara.”

You must be logged in to post a comment Login