Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddoomiye Ku Xigeenkii Deegaanka Leego iyo Nin Tarjumaan u ahaa Ciidamada AMISOM oo Sh/Hoose Lagu Gowracay.

Ururuka Al shabaab ayaa gacanta ku dhigay saraakiil katirsan Dowladda Federaalka oo la shaqeynayay ciidamada shisheeyaha AMISOM ee shalay lagu laayay deegaan katirsan Shabeelaha Hoose.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Al Shabaab ay gowraceen guddoomiye ku xigeenka deegaanka Leego iyo Nin Turjumaan u ahaa ciidamada Burundi.

Xasan Madayle oo ahaa guddoomiye ku xigeenka Leego ayaa la xaqiijiyay in lagowracay kadib saacado ay su’aalo waydiinayeen ciidamada shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiil kale oo lagu qabtay dagaalkii Leego loola dhaqaaqay goob aan la ogeyn iyadoona mas’uuliyiinta shabaab aysan wali wax war ah kasoo saarin.

order Vigora online cheap, generic dapoxetine.
Xasan Madayle guddoomiye ku xigeenkii Leego ayaa caan ku ahaa la shaqeynta ciidanka shisheeye isagoona gabdhaha muslimaadka ah usoo qafaali jiray ciidamada Burundi si ay u kufsadaan.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in falal dambiyeedyadii foosha xumaa ee uu shacabka kula kici jiray ay sababtay in goob fagaara ah lagu gowraco,dagaalkii Leego ayaa guul darro dhabarka loogu saariyay soo duulayaasha AMISOM iyo maleeshiyaadka DF-ka.

You must be logged in to post a comment Login