Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiye katirsan Dawlada federaalka ee Soomaaliya oo qarax lagu dilay

Sida ay xaqiijinayaan dad lagu kalsoon yahay oo la hadlay wakaalada Wararka somalimedia.co.uk waxaa maanta qarax lagu dilay C/llaahi Cabdi Eenoow oo ahaa Gudoomiye kuxigeenkii deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay.

Qarax miino ayaa la sheegay in lagu dilay gudoomiyahaasi iyadoona ciidamada dawlada ay rasaas xoogan fureen kadib qaraxa markii ay fuliyeen.

Xiriir aan la sameynay maamulka dawlada ee deegaanka Goof-gaduud ayaa waxay inoo sheegeen in gudoomiyaha la geeriyoodeen 2 Askari oo istaafkiisa ahaa iyadoo dhaawacyo kale ay jiraan.

Wixii kasoo kordho qaraxa miino ee gudoomiyahaasi lagu dilay dib kala socda insha allah

You must be logged in to post a comment Login