Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiye ku-xigeenkii Buurhakaba oo ciidamada Al-Shabaab ay qabateen kadibna ay gowraceen

Wararka aan ka heleyno Deegaanka Leego ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in galabta goob aan ka fogeyn Leego gaari lagala dagay Masuul katirsanaa Dowlada Soomaaliya kadibna Gowrac la mariyay.

Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay Ibraahin Shaati Laawe ayaa gaari uu saarnaa galabta waxaa kala dagay Kooxo katirsan Al-Shaaab oo jidka u galay kadibna halkaasi ku Gowracay.

Goob jooge saarnaa Gaariga lagala dagay Masuulkan ayaa sheegay in Gaariga jidka u galeen kadibna istaajiyeen Kooxo Hubeesan oo Afka Soo xirtay xiligaa kadibna Gudoomiye Kuxigeenka uu gaariga ka booday isaga oo isku dayay in uu baxsado balse rasaas laga daba riday ee keentay in gacanta lagu dhigo.

Kooxdii katirsaneed Al-Shabaab ee gacanta ku dhigay Gudoomiyaha ayaa isaga oo Nool waxa ee ku Gowraceen midi ee wateen kadibna uga dhaqaaqeen Goobtii ee ku Gowraceen sida aan Wararka ku heleyno.

Al-Shabaab ayaa dhankooda Warar ee ku faafiyeen Warbaahintooda ku sheegay in ee Dileen Ibraahin Shaati Lawae xili uu gacanta usoo galay , mana jiraan dhinaca Maamulka Dowlada ee Gobolka Baay ilaa wali war ee kasoo saareen Dilka Masuulkan katirsanaa gobolka Baay.

You must be logged in to post a comment Login