Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Safiirka Soomaaliya Ee Koonfur Afrika….WARSAXAAFADEED

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Koonfur Afrika Marxuum Sayid Xasan Shariif C/laahi oo maanta ku geeriyooday magaalada Britoria ee dalka Koonfur Afrika.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa shacbiga Soomaaliyeed oo aan uga tacsiyadeeynayo geerida naxdinta leh ee ku timid Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Koonfur Afrika Danjire Sayid Xasan Shariif C/laahi oo ku geeriyooday magaalada Britoria ee dalka Koonfur Afrika, waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa jano siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodeyda samir iimaan ka siiyo”

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo isagana maanta ka hor hadlay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed guud ahaan oo uu uga tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid Danjirihii Soomaaliya ee Koonfur Afrika Allaha u naxariistee Sayid Xasan Shariif C/laahi.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—DHAMAAD—

You must be logged in to post a comment Login