Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Heegan buuxa oo la geliyay ciidamada ku sugan Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda hoose (SAWIRRO)

Ciidamada Milateriga ee ku sugan Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda hoose, ayaa heegan buuxa la geliyay, iyadoo laga cabsi qabo weeraro Shabaab ay ku soo qaadaan Degmadaasi.

Dhoobleey waxaa ku sugan ciidamada Milateriga Maamulka Jubbaland iyo kuwa Amisom, waxa ay la kulmaan ciidankaan dagaalo culus oo kaga imaanaya ciidamada Shabaab, dagaalkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay isbuuc ka hor kadib markii Shabaab weerar qorsheysan xilli habeen ah ay ku soo qaadeen.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland ee Degmada Dhoobleey ayaa sheegay in ciidanka feejignaan adag ay ku jiraan ayna iska ilaalinayaan weerarada Shabaabka.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha in sidoo kale ciidamada loo qaybiyay hub iyo rasaas intaba, dhawaana ay qaadi doonaan weeraro ay ku wajahayaan Shabaabka ku dhuumaaleysta aaga Dhoobleey. Caverta without prescription, cheap dapoxetine.

Guud ahaan ciidamada Maamulka Jubbaland waxa ay isku diyaarinayaan qaadista weeraro ka dhan ah Shabaab, xilli Gobolka Gedo uu ka socdo abaabul ciidan oo xoogan oo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi Generaal Fartaag uu wado.

Shabaabka Somalia ka dagaalama ayaa Bishan Ramadaan lasoo baxay awoodo dheeri ah, waxa ayna cabsi geliyeen dhamaan ciidanka Amisom iyo kuwa Somalida, wixii ka dambeeyay weerarkii ay ku xasuuqeen ciidankii Burundi ee deegaanka leego ku sugnaa.

dhoobley1 dhoobley4 dhoobley5 dhoobley6-1024x614 dhoobley7

You must be logged in to post a comment Login