Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Itoobiya, Yugandha iyo Kenya oo Soomaaliya soo gelinaya ciidamo ka madax banaan howlgalka AMISOM

Warar xaqiiqda aad ugu dhow oo laga helay ilo dilumaasiyeed oo lagu kalsoonaankaro ayaa sheegayaa in saddexda dowladood eek ala ah Itoobiya, Kenya iyo Ugandha ay dalka soomaaliya soo gelinayaan ciidamo aad u badan oo aan qeybka aheyn howlgalka Ciidamada AMISOM.

order Apcalis SX Oral Jelly online, acquire lioresal. Sida warku sheegayo ciidamada ay saddexdaas dal ay soo dalka soo gelinayaan ayaan la ogeyn tiro ahaan inta ay la egyihiin,balse warar aan la, xaqiijini ay sheegayaan inaysan ka yareyn cidamadooda hadda jooga soomaaliya iyadoo aan si rami ah loo ogeyn ujeedada ciidamadaasi iyo sababta ay u soo galayaan Soomaaliya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dalalkani ay ciidamadaasi uga yabooheen shir ka dhacay addis ababa dhawaan,kadib markii howlgalka midowga afrika ee soomaaliya ay sheegeen in Ciidamada AMISOM ee hadda soomaaliya joogaahi la sheegay inaysan ku filneyn dhulka ballaaran ee soomaaliya loona baahan yahay in ciidamo dheeraad ah la helo.

Warar kale oo la xiriira ciidamada cusub ee ay saddexdaas dal soo gelinayaan soomaaliya ayaa iyana sheegaya in sababta ay dalalkaasi ciidamada u soo gelinayaan soomaaliya ay tahay sidii doorasaho uga dhici laheyd soomaaliya sanadka 2018-ka ka horna la doonayo in ciidamaadaasi ay la wareegaan dhamaan goobaha ay hadda ka sugan yihiin Al-shabaab ka hor inta aan la gaarin xilliga doorashada ee 2016-ka.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dowladda Itoobiya ay ciidamadaasi aan ka tirsaneyn howlgalka AMISOM ee dalkeeda ka socda ay ka soo tallaabeen xudduuda labada dal 48-dii saac ee la soo dhaafay,iyadoo ciidamada ka socda dalka kenyana lagu wado inay dalka soo galaan 120 saac ee soo socda,halka ciidamada ka Imaanaya dalka Ugandhana laguwado inay dalka soo gaaraan maalmaha soo socda.

Ma jiro war arrintaasi la xiriira oo ka soo baxay dhinaca midowga afrika iyo dowladaha ay ciidamadaasi ka imaanayaan,lamana oga in dowladda soomaaliya ay wax ka og tahay amaba la ogeysiiyey ciidamadaasi ka socda dalalkaasi ee aan qeybta ka aheyn howlgalka AMISOM lana sheegay inay ku soo fool leeyihiin gudaha soomaaliya qaarna la sheegay inay ciidamadaasi soo gaareen gudaha Soomaaliya.

Dowaladda itoobiya ayaa waxaa horey soomaaliya uga joogay ciidamo aan tiradooda la aqoon kuwaas oo aan ka tirsaneyn howlgalka midowga afrika ee soomaaliya gaar ahaanna waxa ay ciidamadaasi joogaan deegaano ka tirsan gobolka galgaduud inat la og yahay kuwaas oo aan la oaqoon cidda ay ka amarqaataan.

You must be logged in to post a comment Login