Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jawaari oo diiday jawaab ay direen Xildhibaanadii keenay mooshinka kuna dhowaaqay

Sep 23, 2015

purchase tadalafil, buy zithromax online.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa dib u celiyay jawaab ay gaarsiiyeen xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha Soomaaliya, isagoo u sheegay in caddeymihii laga sugayay inay ka bixiyaan eedeynta ay u soo jeediyen madaxweynaha ee ku sugan Mooshinka aanay jawaabtooda ku caddeyn.

Jawaari ayaa kulan uu la qaaday inta badan xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha waxay ugu soo gudbiyeen jawaab ku saabsan caddeyn laga sugayay inay ka bixiyaan eedeymihii kala duwanaa ee lagu qoray Mooshinka Madaxweynaha (Akhri Mooshinka), wuxuuna jawaabtooda ku sheegay in aan haba yaraatee ka hadleynin wixii laga rabay, taasoo keentay in kulankaasi kusoo dhammaado natiijo la’aan.

Waanwaanta laga gelayo mooshinka madaxweynaha ayaa lagu waday inay bilaabato, waxaana hadda hareeyay go’aanka guddoomiyaha iyo muran ka dhex oogan xildhibaanada Mooshinka keenay dhexdooda.

You must be logged in to post a comment Login