Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo ka walaacsan hub casri ah oo ay haystaan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab

Sirdoonka Kenya, ayaa waxa uu ogaaday in hub casri ah ay haystaan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ee dagaalka ka wada gudaha dalka Kenya, wixii ka dambeeyay soo gelistii Ciidamada Kenya ee Gobolada Koonfurta Somaliya.

Ururka Al Shabaab, ayaa sanadkii hore iclaamiyay in dagaalka ay u weeciyen dhinaca Kenya. Bishii May waxa uu Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), waxa uu isna sheegay in ay wax ka bedeleen dagaalka ay ka wadaan gudaha Kenya.

order Kamagra Jelly online cheap, cheap Zoloft. Jariirada The Star oo ka soo baxda Magaalada Nairobi, ayaa boggeeda hore ku soo qortay in Ururka Al Shabaab ay haystaan hub casri ah, oo uu ugu horeeyo nooca cusub ee qoriga M 16.

 

Sarkaal Sirdoonka Kenya ka tirsan oo wareysi siiyay Jariiradaasi, ayaa sheegay Ururka Al Shabaab inay qorsheynayan weeraro hor leh oo ay ka fuliyan gudaha dalka Kenya. Sarkaalkaasi waxa uu muujiyay walaaca Kenya ka qabto weerarada kaga imaanaaya Al Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay Shabaabku inay u dagaalamayan dagaal-yahano shisheeye oo khibrad u leh halka loo duuliyo diyaaradaha dagaalka Kenya, taa oo yaranaysa khasaaraha Shabaabka ka soo gaari kara weerarada dhinaca cirka, isla-markaana ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada diyaaradaha.

Khubarada ammaanka Kenya oo dersay muuqaalo ku duubnaa kaamiro laga helay dagaal-yahanadii Al Shabaab, ee lagu dilay weerarkii 14-kii bishii June ka dhacay Deegaanka Baure ee duleedka Degmada Lamu, lagu ogaaday in awoodda Al Shabaab ka badan tahay, sidii loo haystay, wixii ka horeeyay June.

Sirdoonka Kenya, ayaa Sabtidii ka digay in lix nin oo ka tirsan Al Shabaab ay damacsan yihiin weerar, ay bishan Ramadan ka fuliyan Magaalada Nairobi Ee Xarunta Kenya.

You must be logged in to post a comment Login