Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo shaacisay inay dedejinayso dhismaha Darbiga ay ka dhiseyso Xuduuda Somalia iyo Kenya

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dar-dargelinayso dhismaha Darbiga ay ka dhiseyso Xuduuda Somalia iyo Kenya ay wadaagan, xilli Dowladda Federalka Somalia ay si cad uga soo horjeesatay Darbigaasi Kenya ay xuduuda ka dhiseyso.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Keya Monica Juma, ayaa Warbaahinta u sheegtay in qorshaha uu yahay in la dedejiyo dhismaha Darbiga si looga gaashaanto weerarada Kooxda Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya.

generic dapoxetine, generic lioresal. Kenya waxa ay sheegaysa sababta keentay in darbiga dhismihiisa la dedejiyo inay tahay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen todobaadkaan Magaalada Mandheere ee dalka Kenya oo Shabaab ay ku dilee 14 qof, halka 11 kalena ay ku dhaawaceen weerarkaasi.

“Weerarkii isbuucaan ka dhacay Mandera waxa uu muujinayaa sida loogu baahan yahay in la dar dar galiyo dhisida Derbigaas.” Ayeey tiri Monica Juma

Darbiga Xuduuda Kenya iyo Somalia ay wadaagaan Kenya ay ka dhsieyo ayaa dhirirkiisa wuxuu yahay 700 KM oo laga dhisaayo Magaaladda Mandheera ilaa iyo Deegaanka Kiunga ee Gobolka Xeebta, wuxuuna difaaci doonaa in Al Shabab ay galaan Dalka Kenya.

Xoghayaha Arimaha Gudaha Kenya, ayaa tilmaamtay inay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta amniga shacabka dalka Kenya oo marti u noqday weerarada Shabaabka ay ka fuliyaan Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xuduuda Somalia iyo Kenya ay wadaagaan inuusan waxba soo kordhineyn, sidoo kalena Shabaab weeraradooda inuusan hakin doonin darbigaasi.

You must be logged in to post a comment Login