Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya sedexda waxaad ee dowladda(Fulinta,sharci-dejinta iyo xeer ilaalinta

War goordhow naga soo gaaray Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Caawa halkaasi uu kulan uga socdo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu dalbaday Ra’isul wasaare Cumar, waxaana la soo warinayaa in ujeedka kulanka uu yahay mid labada Mas’uul ay uga wada hadlayaan arrinta la xiriirta Mooshinka dhawaan laga gudbiyay Madaxweyne Xassan.

Warar aan la hubin ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka uu goob joog ka yahay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka-xanaf iyo xubno kale oo ka tirsan Villa Somalia.

Si dhab ah looma oga waxyaabaha hoose oo ay isla gaari doonaan Mas’uuliyiintaasi uu iminka kulanka uga socdo Villa Somalia, balse waxaa jiro warar hoose oo sheegaya in kulanka loogu tashanaayo Mooshin wadayaasha. Extra Super Tadadel buy online, dapoxetine without prescription.

You must be logged in to post a comment Login