Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Laba jaamici oo lagu dilay Muqdisho

buy Silvitra tab, buy lioresal.

Wararka aan ka heleyno degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku soo warramaya in saaka 2 ruux lagu dilay degmadaasi.

Dilkaan ayaa yimid kadib labada qof ee la dilay oo sida dad deegaanka ah ay noo xaqiijiyeen lagu kala Magacaabi jiray Liibaan Jiirow iyo Cabdiqaadir Geelow gaari ay wateen lagu horgooyay gaari kale islamarkaana tacshiirad la hubiyay sida wararka qaar ay sheegayaan.

Dadka deegaanka waxa ay intaas ku dareen in labada Nin ee la dilay dhawaan un ay yimaadeen dalka kadib markii ay ka soo qalin jabiyeen Jaamacado ku yaallo dalka Sudan  iyagoona ka soo kala baxay Kulliyadaha Caafimaadka iyo qareenimada.

Dilka Marxuumiintaan ayaa waxa uu ka dhacay Suuqaweyn ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda dilka , iyadoona xiriiro aan la sameynay maamulka degmada Wadajir  ay noo sheegeen Masuuliyiinta qaar in aysan haatan wax faah faahin ah ka bixin Karin dilka.

You must be logged in to post a comment Login