Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Laba kamid ah baalayaasha cadceedda ku shaqeeya oo qaraxyolagu burburiyay

Qaraxyo khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho xilli ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayay maalmihii lasoo dhaafay.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laba qarax oo ka dhacay wadada 30-ka lagu burburiyay laba kamid ah baalayaasha cadceedda ku shaqeeya .

Goob Joogayaal ayaa sheegay in miinooyin dhulka lagu aasay ay burburiyeen baalayaasha oo bilihii lasoo dhaafay ay cabasho ka muujinayeen qaar katirsan shacabka magaalada Muqdisho,sidoo kale qarax ayaa laga maqlay isgoyska Al Barako ee degmada Hodon.

Qaraxyo saameyn reebay ayaa maanta ka dhacay qeybo katirsan degmooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho xilli ciidanka AMISOM iyo Dowlada Federaalka ay isku fidiyeen xaafadaha magaalada.
Wararka ka imaanaya degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodon ayaa sheegaya in miinooyin dhulka lagu aasay ay burburiyeen qaar kamid ah baalayaasha cadcadeedda ee dowladda Turkiga Muqdisho ka hirgelisay.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in xaafadda Al-baraka qaraxyo lagu burburiyay sedax baallo oo aargada iyo isgoyska ku dheganaa mana jirin wax khasaara ah oo shacab iyo ciidanba kasoo gaaray.
Sidoo kale qarax ka dhacay agagaarka Carwo iidko ayaa lagu burburiyay mid kamida baalayaasha cadceedda ku shaqeeya,majirto cid sheegatay qaraxyadan inkastoo loo maleynaayo iney ka dambeeyeen alshabaab./

You must be logged in to post a comment Login