Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Lafta gareen Oo Go’aan qaatay diyaaradna ka dejisey Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa waxa uu galabta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.
 Lafta gareen ayaa go’aansaday inuu dib ugu noqdo Caasimada maamulkiisa xilli dalka ku jiro marxalad adag.

Arbacadii Todobaadkii hore waxaa fashilmay shirkii Afisiyooni,iyadoo weli Doorashada dhaceysa aan lagu heshiin.

Beesha Caalamka ayaa hore uga digtay Madaxda Maamul Gobolleedyada inaysan ka ambabaxin Muqdisho iyadoo heshiis doorasho la gaarin.

Lama oga sida ay arintaan usaameyn karto Lafta gareen go’aanka iskiis uqaatay ee dib ugu laabtay Baydhabo.

Maalinta Arbacada ah ayaa la sheegay in dib ugu soo laaban doono Muqdisho sida xogaha hoose aan ogaanay.

   

You must be logged in to post a comment Login