Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Luga dheere oo dagaal sheegay

 5, 2015

Ciidamada maamulka Jubbaland ee ku deegaanka Buulo-gaduud ayaa heegan buuxa la geliyay kadib markii madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Madaxweyne ku xigeenka ee Jubbaland Luga-dheere ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Jubbaland ay ka dhaqaaqayaan deegaanka Buulo-gaduud, ayna ku wajahan yihiin degmooyin ka tirsan jubbada Dhexe.

Ciidamadaasi ayuu sheegay iney qaban doonaan degmooyinka Bu’aale, Jilib, Jamaame iyo Saakow oo ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Jubbaland.

Ciidamada ayaa muddo badan tababar ku qaadanayay deegaanka Buulo-gaduud, waana saldhiga ugu weyn ee ciidamada maamulka Jubbaland.

Kamagra Flavored online, cheap Zoloft. Madaxweyne ku xigeen C/qaadir Lugadheere ayaa sheegay in go’aanka weerarada degmooyinka Alshabaab ku sugan yihiin ay wada gaareen madaxda ugu sareyso maamulka jubbaland.

Dhawaan ayuu sheegay iney qabsan doonaan saldhigyada Alshabaab kaga sugan yihiin gobolada Jubbada Dhexe.

You must be logged in to post a comment Login